Ma Run baa in Gudoomiye Cabdi Xaashi lagu Casuumay Shirka Musharrixiinta uga socda Muqdisho?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa la filayaa in maanta uu ku biiro shirka madaxda mucaaradka uga socdo magaalada Muqdisho.

Xog ay heshay Aragticusub ayaa sheegeysa in musharixiinta shirka uu uga socdo muqdisho ay ay ku marti qaadeen shirka Gudoomiyaha Golaha Aqaka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Mudane Cabdi Xaashi ayaa ah mid aad u dhaliilsan siyaasada Dawlada Federaalka Soomaaliya kana soo horjeeda Magacaabista Gudiyada Heer Federaal iyo doorashooyinka sidoo kalena wareegto uu soo saaay ku magacaabay Gudiga Doorashada Xubnaha gobolada Waqooyi
Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi haddii uu ku biiro shirka Musharixinta ee maanta la filayo in war murtiyeed laga soo saaro ayay ka dhigan tahay sida aan loogu qanacsaneyn gudiyada dorashada ee Heer Federaal.
Sidoo kale Ururada bulshada Rayidka ah ayaa hore ugu biirashirkaasi oo meel xasaasi ah maraya

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com