M/weeynihi hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo sheegay in ay ku midoobeen hal Xisbi siyaasadeed .

Muqdisho : Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa mar uu si kooban ula hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in xaalada siyaasadeed ee dalka uu haatan ku sugan yahay ay tahay mid cakiran, islamrkaasina loo baahan yahay in looga gudbo wadatashi.

Sidoo waxaa uu mar uu ka hadlaya arrimaha Xisbiyada siyaasada,waxaa uu sheegay in madahsa xisbiyada Qaran ay ku midoobeen hal xisbi islamarkaasina dhawaan ay shir ku qabsan doonaan magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waxa uu safar uga maqnaa dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Turkiga oo uu hadda ka soo laabtay.

Dadka siyaasada falanqeeyo ayaa u arko shirkii kadhacay Istanbul mid u muuqdo kalasii fogaasho hor leh maadaama ay ku soobireen mucaarad kale oo hor leh.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com