M/weeyne Qoor qoor oo la kulmay Guddoonka Guddiga Caleema saarka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoo) iyo ku Xigeenkiisa Cali Daahir Ciid oo la kulmay Guddoonka Guddiga Caleema saarka,kuwaas oo Maanta gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda.

Xubnaha guddiga ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Guddiga Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar,waxaana Madaxda Galmudug ay kala hadleen dardargelinta munaasabada madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga ayaa waxaa laga sugayaa inay qiimeyn iyo sahmin ku sameeyeen tasiilaadka loo baahanyahay iyo goobaha loo diyaarinayo dajinta martida balaaran ee kasoo qeybgalaysa munaasbadda caleemar saarka iyo inay shaaciyaan waqtiga ay dhaceyso Xafladda.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyey,waxaana lagu jiraa u diyaar garoowga qabsoomida munaasabadda caleemar saarka Madaxda Galmudug.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com