Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ka dhacday doorashada lix kamid ah kurasta Aqalka Sare, waxaana ku tartamayay 12 musharax oo uu soo gudbiyay Madaxweynaha Galmudug.
Musharixiinta ayaa marka hore waxaa ay khudbadahooda musharaxnimo waxaa ay u jeediyeen Golaha Wakiilada Galmudug, iyaga oo u soo badnhiga waxyaabaha ay qaban doonaan kana cosdsanayay inay codka siiyaan.
Kursiga koowaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Siciid Siyaad Shirwac oo kamid ahaa Golaha Wasiirada Galmudug kadib markii uu u tanaasulay Maxamed Daahir Maxamed oo la tartami lahaa, balse doorashada ka haray.
Kursiga labaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Yuusuf Geella Ugaas oo Afartii sanoe ee la soo dhafay kursigan ku fadhiyay si lamid ah markii uu tartanka isaga haray Daahir faarax fiidow oo mar Wasiir kuxigeen kasoo noqday Galmudug.
Kursiga Saddexaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo Afartii sano ee la soo dhaafay kursigaas ku fadhiyay kadib markii uu tanaasulay Musharax Nuur Xassan Guutaale.
Kursiga Afaraad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Samsam Daahir Maxamud oo Afartii sano ee la soo dhaafay kursigaas ku fadhiday kadib markii ay tanaasushay Musharax Farxiyo Maxamed Guurre
Kursiga Shanaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Cabdi Xakiim Macalin Axmed oo Afarsii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Golaha Shacabka balse u soo wareegay Aqalka Sare kadib markii ay u tanaasushay Ismahaan Cabdi Xussen.
Kursiga ugu dambeeya ee doorashadii Maanta ka dhacay Dhuusamareeb ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Duniyo Maxamed Cali oo Afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsaneyd Golaha Shacabka balse u soo wareegtay Aqalka Sare kadib ay u tanaasushay Musharax Khadra cabdhlahi isxaaq.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com