Laamaha Amniga Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Geystay Fal Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cali Muuse Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyay fal sababay dhimasho iyo dhaawac oo lagu rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay duleedka Gaalkacyo.

Taliye Cali Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in falka lagu rasaaseeyay gaariga ay ka xun yihiin, isla markaana waxaa uu tacsi u diray laba ruux oo ku dhintay weerarka lagu qaaday gaariga, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay qof  dhaawacmay.

Wuxuu intaas kusii daray Taliyaha Booliska Gobolka Mudug in laamaha amniga Gobolka ay gacanta kusoo dhigeen rag maleeshiyaad ah oo ka dambeeyay falkii ka dhacay duleedka Gaalkacyo, ayna ku daba jiraan kuwo kale oo baxsaday, lana soo qaban doono.

Taliye Cali Muuse Maxamuud ayaa waxaa uu shacabka ugu baaqay inay ciidamada amniga la shaqeeyaan, isagoona Carabka ku dhuftay Taliyaha Booliska Gobolka Mudug inay gacan bir ah ku qaban doonaan amniga guud ee Gaalkacyo iyo guud ee Gobolka.

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa shalay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ku rasaaseeyay duleedka Gaalkacyo, waxaana falkaas ku dhintay laba ruux, halka qof kalena dhaawac uu soo gaaray, falka ayaa salka ku haayay dilal horey u dhacay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com