Laamaha Amniga G/Banaadir Oo Gacanta Ku Dhigay Haweenay Muuqaal Naxdin Leh Ka Duubtay Carruur

Maamaulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigen haweenay dhawaan muuqaal ka duubtay carruur ay dhashay oo aad u da’yar, kuwaasi oo muuqaalkoodu si weyn uu ugu baahay baraha Bulshada, Xilli ay isticmaalayeen maandooriye.

Muuqaalka oo baraha bulshada ku faafay ayaa waxaa kasoo muuqaday labo gabdhood oo saqiiro ah oo Shiishad jiidaya, waxaana muuqaalka oo arga-gax lahaa ka ag-hadlayay Haweenayda oo carruurta siinaysay Maandooriyaha.

Laamaha amniga Gobolka banaadir ayaa ku guulaysatay in ay soo qabtaan Haweenayda, kadib howgallo ay sameeyeen, sida uu xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Cali yare Cali.

Waxaa uu sheegay in Howlgal ay sameeyeen laamaha amniga ay suurtagashay in ay gacanta ku soo dhigaan Haweenayda ku takri fashay labada  gabdhood oo saqiiro ah oo ay dhashay kana duubtay muuqaal iyada oo siineeysa Badeeco_Shiishad – muuqaalkaas oo argagax galiyay Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku daray Cali Yare Cali Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo arrimaha siyaasadda Gobolka Banaadir in ay caddaaladda hor gayn doonaan Haweenayda.

DHawaan ayay ahayd markii Baraha Bulshada uu ku baahay Muuqaal arga-gax leh oo ay kasoo muuqdeen labo gabdhood oo aad u da’yar kuwaasi oo shiishad jiidayay, waxaana siyaabo kala duwan kaga falceliyay bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com