ciidamada Amniga Degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa gacanta ku soo dhigay laba Nin oo ka Tirsan shabakad ka ganacsata Cauurta , labada Nin ayaa la sheegay in ay ku Hawl jireen in Boosteejada Degmada Afgooye Gaari PL ah ay ka soo Saaraan Gabar yar oo la baadi-goobaya, waxay ku sheegeen muuqaal laga duubay in ay ka tirsan yihiin Shabakad ka Shaqeysa Ka ganacsiga Caruurta, qafaalida gabadhan yar ee lagu qabtayna ay ku qaateen lacag dhan ($500).
Saraakiisha Amniga Degmada Afgooye ayaa sheegay in Raggaan Baaritaano lagu sameyn doono ka dib sharciga la horgen doono
Magaalada Muqdisho iyo degaanada Kale ee u dhow ayaa waxa ku soo badanayay qafaalida Caruurta yar iyadoo ilaa hadda la la, yahay Cauur badan oo waalidkooda aysan ogeyn halka lagu haayo
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com