Weerraryahankii hore ee kooxda Arsenal iyo xulka kubadda cagta ee Faransiiska, Thierry Henry, ayaa sheegay inuu isaga baxayo baraha ay bulshadu ku wada xiriiraan sababo la xiriiro midab kala sooc iyo handaad ka jirta guud ahaan barahaasi.
Henry, oo 43-jir ah, ayaa Jimcihii waxa uu farriin u reebay taageerayashiisa 2.3 milyan qof gaaraya ee uu Twitterka ku leeyahay, isagoo sheegay in dhibaatadu ay tahay “dhibaato wayn oo aan la dafiri karayn”.
Waxa uu sheegay inuusan baraha bulshada ku soo laaban doonin illaa shirkadaha “ay sharciyo xakameeyo barahooda dajiyaan kuwaas oo soo taagan oo la mid ah kuwa ay kula dagaalamaan dadka ku xadgudba xuquuqda muuqaallada”.
“Aad ayey u fududahay in koonto la sameysto, oo loo isticmaalo in dadka lagu handado oo lagu waxyeeleeyo iyadoon wax cawaaqib ah uusan qofka mutaysanayn weliba uu qofka si qarsoodi ah ku shaqeeyo,” ayuu qoray weerraryahankii hore ee Arsenal iyo Faransiiska.
“Heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada midab kala sooca, handadaadda iyo dhibaatada
maskaxeed ee ka dhalata ee soo gaarta shakhsiyaadka waa dhibaato wayn oo aan la dafiri karayn.”
Henry ayaa waxa uu Arsenal u qaaday laba horyaalka Ingiriiska ah halkaas oo uu ka dheelayay intii u dhaxaysay 1999 illaa 2007.
Sibteembartii la soo dhaafay waxa uu faafaahin dheeraad ah ka bixiyay dhacdooyinkii midab takoorka ee uu la kulmay waayihiisii Arsenal iyo Faransiiska.
“Waa inaan dadka u sheegnaa inaan xanuun dareemayno”, ayuu yiri Henry. “Meeshii ugu dambaysay ayuu xaal marayaa. Si degdeg ah ayaad u hormaraysaa xaaladduse weli waa sideedii.”
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com