Dowladda Kuwait ayaa shaacisay geerida hal bukaanoo qabay cudurka ‘coronavirus’, waana tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale ah oo laga soo wariyo dalka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa warbixin ay soo ku sheegtay in qofka uu yahay 78 jir ka yimid Yurub. Sababta geeridu waxay ahayd wadne qabad, uu sababay COVID-19.
Tiradda dadka uu soo ritay Cudurka Corona Virus ee dalka Kuwait ayaa korortay 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan ay gaartay 479.
Tirada dhimashada ee Yurub ayaa gaartay ilaa 40,000, halka Maraykanka gudahiisa tirada dhimashadu ay gaartay in kabadan 7,000, taas oo tirada dhimashada adduunka oo dhan ka dhigaysa in ka badan 58,000, sida lagu sheegay xogta ay soo aruurisay jaamacadda Johns Hopkins.
Adduunka oo dhan, tirada kiisaska ayaa ku dhow 1.1 milyan, iyadoo tirada soo-kabashada ay ku dhowdahay 226,000.
Xafiiska Wararka,muqdisho.
Info@aragticusub.com