Kuuriyada Waqooyi oo ku dhawaaqday Farsamada Gantaalo Casri ah

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-Un, ayaa ku baaqay in si weyn loo kordhiyo horumarinta hubka Nukliyeerka ee dalkiisa, isagoo ka jawaabaya hanjabaadaha ka imaanaya Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Kim Jong un oo la hadlayay xisbiga shaqaalaha, wuxuu sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay diiradda saari doonto soo saarista tiro badan oo hubka Nukliyeerka ah, ayna horumarin doonto gantaallada ballistic-ga ee ah ee isaga kala gudba qaaradaha kuwaasoo awood u leh inay hortaggaan weerarro degdeg ah oo Nukliyeer ah.

Xilli loo dabbaaldegayay munaasabadda xuska sanadka cusub, Kuuriyada Waqooyi waxay tijaabisay hubkii ugu horeeyay ee sanadkan.

Iyada oo ka jawaabeysa, wasaaradda gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ka digtay isku day kasta oo Kuuriyada Waqooyi ay ku qaaddo weerar nukliyeerka ay horseedi doonto dhammaadka nidaamka Kim Jong Un.