Kulankii Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta lagu kala Tagay

Kulankii Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya ee lagu ballasan in uu ka Furmo xarunta Golaha shacabka ayaa lagu kala tagay.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa mid la doonayay in looga dodo balse Gudoonka Golaha shacbka uu watay Ajande aanan ahayn kii lagu ballamay ee xildhibaanada Golaha shacabka fariinta loogu diray

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu soo waramaya in I doonayay in xildhibaanada golaha shacabka uu Hoos geliyo Ajande aanan meesha ku jirin oo ah in muddo kororsi loo sameeyo Hay’adaha Dawlada Taasi oo keentay in xarunta Vila Hargeysa Buuq iyo Sawaxan uu ka dhasho

Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa sidoo kale la sheegay in Ciidamo hubeysan oo dharcad ah maanta uu geeyay xarunta Golashacabka ee Villa Hargeysa  taas oo ay sheegeen Xildhibaanada Baarlamanka Golaha shacabka in amnigooda ay u baqayaan maadaamaa ciidamo aan looga baran xarunta villa Hargeysa maanta ay ku arkeen taaso oo keentay in xildhibaanada cabsi ay ka muujiyaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com