Kulankii maanta ay u balasanaayeen Xildhibaanada Golaha shacabka oo la baajiyay

Kulankii Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ee loo ballansanaa maanta oo Isniin ah ayaa la baajiyay waxaana dib loo dhigay ilaa maalinta Arbacadaha ah ee soo socoto

Farriin loo diray xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya  ayaa lagu wargeliyay maanta uu baaqday  kulanka islamarkaana dib loo dhigay ilaa 31-da bishan oo ku beegan Arbaco.

 “Mudane Xildhibaan shirkii oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 March”. ayaa lagu yiri Farriinta.

Sidoo kale Warar ay heshay warbaahinta aragti cusub aya sheegaya in Beesha Caalamka ay cadaadis ku saareen madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka Baarlamanka in dib loo dhigo kulanka oo laga shaki qabay in mudda kordhin lagu sameeyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com