Kulankii koobaad ee ay Maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa manta si toos ah uga dhacay Xarunta Villa Hargeysa, waxaana lagu go’aamiyay waqtiga ay dhacayso Guddoonka doorashada Golaha shacabka iyo aqalka sare.
Intii kulanku uu socday ayaa waxaa dhacay isku day qalalaase kicin ah, oo Xildhibaano diidanaa waqtiga la go’aamiyay ay kiciyeen, inkastoo laga hor tagay buuqa ka dhalan rabay arrintaasi.
Xildhibaanada qaar ee taageersanaa waqtiga loo asteeyay doorashada Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka 11aad iyo Xubno kale oo kasoo hor jeeday ayaa ku sugtay in uu dhex-maro gacan ka hadal toos ah.
Xildhibaan Mahad Salaad iyo Kullane jiis oo labada dhinac kala taabacsanaa ayaa ku sigtay in ay isku gacan qaadaan, waxaana soo kala dhex galay Xildhibaanno kale oo baajiyay in ay si toos ah isku feeraan Labada Xildhibaan ee ka wada tirsan Aqalka hoose ee Baarlmaanka 11aad.
Muuqaallo iyo Sawirro lasoo qaaday ayaa Muujinaya Labada Xildhibaan ee Mahad Salaad iyo Kullane Jiis oo mid ba-midka kale uu doonayo in uu u gacan qaado.
Kulanka oo ay horay u qaban-qaabiyeen Guddigii la magacaabay ee laabda aqal, ayaa waxaa lagu go’aamiyay waqtiga ay dhacayso doorashada Guddoonka labada aqal iyo goorta ay billaabaanyso diiwaan galinta Xubnaha u taagan in ay qabtaan Xilka Guddoomiyaha iyo laabda Guddoon xigeen.
Waxaa la go’aamiyay Doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya la dooran doonaa 27 Abril 2022, sida uu ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka.
Sidoo kale doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ay dhici doonto 26 April, iyadoo maalinimada berry ah ay bilalaban doonto Diiwaam gelinta Musharaxiinta.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com