Kulan looga hadlayay ka hortagista cudurka covid19 oo lagu qabtay Kismaayo

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbalad Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlyay ka hortaga faafida xanuunka Covid-19, Shirkaan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa ka soo qeyb galay laamaha Amniga Jubbaland, qaybo ka mid ah Wasaaradaha Jubbaland iyo sido kale hay’adaha samafalka ee ka howl gala deegaanada Jubbaland.

Muhiimada shirka ayaa ahaa sida bulshada looga waci galin karo xanunkan safmarka ah ee Covid-19 oo xiligaan ay u dhimanayaan dad badan oo Soomaaliyeed iyo sida ay dowladdu uga shaqayn lahayd yareynta khatarta xanuunkan.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdi Xasan Xiish oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo isagoo maalmahii lasoo dhaafay uu soo ritay xanuunka Covid-19.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com