kulan looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku shir gudoomiyay kulan ee Amniga looga hadlayay,

Kulankan waxa ka qayb galay Saraakiisha Amniga Caasimada qaybaha bulshada ,  Maamulka Degmada Dhuusamareeb. Gudigga Amniga Baarlamaanka Galmudug iyo xubno kale oo dhamaantood diiradda saarey sida ugu haboon ee loo xoojin karo amniga guud.

Wasiirka Amniga Galmudug  ayaa kulankan ka sheegay y in aan la aqbali doonin soo galinta waxyaabaha maanka dooriya ee guddaha deegaanada Galmudug iyo in Guryaha laga kireeyo dad aan ogolaansho ka heysan laamaha amniga, isla markaana aan marin hubinta hey’addaha qaabilsan howlahaasi.

Maamulka Galmudug ayaa wada qorshe lagu xoojinayo Amniga Magaalada Dhuusamareeb

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com