Kulan Amniga looga hadlayay oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen  Rooble, madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa xalay kulan ku yeeshay Muqdisho.

kulanka  ayaa la sheegay in looga hadlay labo qodob oo kala ah, amniga Muqdisho kadib rabshadihii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay iyo sidii ay doorasho deg deg ah oo wadar-ogal ah uga dhici la hayd dalka.

“Muhiimada kulanku ayaa ahaa in laga wada shaqeeyo  nabadgelyada magaalada Muqdisho iyo sidii dadkii barakacay guryahooda ugu soo noqon la haayeen. Waxaa kaloo laga wadahadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa in dalka ay degdeg uga dhacdo doorashadii lagu heshiiyay 17 September 2020” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo warbaahinta la hadlay kulanka ka dib.

Hogaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame  oo ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Face buug ku sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isla markaana uu ku soo gebagaboobay in laga wada shaqeeyo amniga iyo qabsoomida doorasho wadar-ogal ah.

Kulankaann ayaa ku soo aadayaa ka dib markii Rw Rooble iyo Madaxda Galmudug iyoo Hirshabeele ay ka soo horjeesteen muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha dawlada Federaalka

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com