Kulan Amniga looga hadlayay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay shir-guddoomiyay kulan ku saabsan Amniga,oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in kulankaas looga hadlay  Xaqiijinta Amniga Magaalada Boosaaso iyo degaanada kale ee gobolka Bari iyo sidii loo dar dargelin lahaa Amaanka guud  ee degaanada gobolkaasi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Puntland ay ku jiraan heegan buuxa, islamarkaana dowlad iyo shacab loo guntaday sidii Argagixisada looga sifayn lahaa guud ahaan Puntland ayaa qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland lagu yiri.

Arintan ayaa ku soo aadeyso xilli dhawaan Xabsiga Wey nee Boosaaso Weerar ay ku qaadeen Alshabaab oo ay ka sii daayeen Maxaabiis badan inkastoo Puntlanday sheegtay in dib loo soo celiyay maxaabiistaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com