Kulan Amaanka looga hadlayay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa qabtay  shirka Todobaadlaha ah ee looga hadlo Amniga Magaalada Bosaaso ee Gobalka Bar iyo degaanada kale ee ee gobolkaasii,

Shirka oo ahaa u jeedadkiisa kala warqaadashada amniga Bosaaso ayaa Taliyaha  waxa uu dhamaan ciidamada Booliska Gobalka bari  uga mahadceliyay dadaalka ay galiyeen  sugida amniga guud ee Gobalka Bari Sidoo kalle inta uu socday shirka amniga Gobalka Bari ayaa diirada lagu saarey sida ugu haboon ee loo xoojin karo amaanka guud

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in aan la aqbali doonin soo galinta waxyaabaha maanka dooriya Guddaha degaanada Gobalka Bari waxaa uuna ku amray Baraha lagu baaro Gadiidka in ay labajabaraan Baarista Gadiidka Soo gala degaanadaasi si looga hortago wax walba oo dhibaato amni iyo mid Nafeed u geesanaya shacabka iyo Dhalinyarada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com