Kudhawaad 95-qof oo ku xanibnaa dalka Turkiga oo dalka dib loogu soo celiyay

Waxaa goor dhow Magaalada Hargeysa ka soo degatay diyaarad dalka Turkiga ka soo daad-gureysay muwaadiniin Soomaaliyeed, oo billihii ugu dambeeyay ku xanibnaa dalkaasi.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo u badan ganacsato iyo dadka arrimo u gaar ahi u tagay dalkaasi ayaa waxaa saameeyay xanibaadda ka dhalatay Coronavirus.

Inta badan dalalka dunida ayaa bishii March hakad geliyay duulimaadyadii caalamiga ahaa, sababo ku aadan baqdinta laga qabo faafitaanka xanuunsidaha COVID-19, ee Coronavirus uu keeno.

Muwaadiintan oo tiradoodu ay gaareyso 95 qof ayaa waxay deegaan ahaan ka soo kala jeedaan Somaliland iyo Puntland, waxaana dalkaasi ka soo qaaday diyaaradda Daallo Airlines.

Safaaradda Somaliya ee dalka Turkiga ayaa fududeysay, sidii dadkaasi dib loogu soo celin lahaa dalka, ka gadaal markii ay iska diiwaangeliyeen Xarunta Safaaradda.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Mahdi (Dr. Aw Koombe) oo ka mid ahaa rakaabkii diyaaradda la socday ayaa xaqiijiyay in rakaabka caafimaadkooda la soo hubiyay, ka hor intii aan Hargeysa loo soo duulin.

Dr. Aw Koombe ayaa Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ku ammaanay in uu Safaaradda Somaliya ee dalka Turkiga kala shaqeeyay, sidii dalka dib loogu soo celin lahaa muwaadiniintaasi.

Waa diyaaraddii ugu horeysay oo rakaab ku xanibnaa dalka dibadiisa ka soo cago-dhigato Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.