ku dhawaad 100 qof oo uu cudurka Covid19 ku soo ritay Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka war bixisay kiisaskii u dambeeyey ee cudurka covid19 oo ku soo laba-kacleeyey Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyey 91-qof oo qaba xanuunka COVID-19, kuwaas oo ku kala nool Muqdisho iyo deegaanada Puntland.

85-qof oo ka mid ah dadkaas waxaa laga diiwaan geliyey Muqdisho, halka 6da kale  soo hartay laga  diiwaan geliyey deegaanada Puntland, sidoo kale wasaaraddu waxay shaacisay in afar qof ay u geeriyoodeen cudurka, halka lix kalena ay ka soo bogsadeen.

Cudurka Caroona virus ayaa ku soo noqday Soomaaliya iyadoo warbaahinta aragticusub wariye ka Tirsan uu booqday Isbitaalka martini halkaasi oo la geeyo Dadka uu soo rito cudurka Covid19 in kastoo shaqaalaha Isbitaalka ay u muuqdeen kuwo ka caga jiidaya qaabilada Dadka qaba cudarka safmarka ah ee covid19

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com