Kooxo hubeysan oo Nabadoon ku dilay Beledweyne

Allaha u Naxariistee waxaa goordhaw Magaalada Baladweyne lagu dilay Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa Odayaasha dhaqanka Baladweyne.

Nabadoonka ayaa lagu dilay Xaafada Buundo weyn ee Magaalada Baladweyne.

Dilka Nabadoonka ayaa waxaa fuliyay koox bastoolado ku hubeysnaa ku waas oo dilka kadib goobta iskaga baxsaday.

Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.