Kooxo dil geystay oo Gaalkacyo lagu qabtay

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay,inay gacanta ku dhigeen,raggii fuliyay dil Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa laanta dambi barista gobolka Mudug ee Puntland.
Waxaa uu sheegay gudoomiyaha in markii ay dileen in ay isku dayeen in ay baxsadaan laakiin ay gacanta ku dhigeen hay’addaha Ammaanka , islamarkaana ay dhawaan sharciga hor keeni doonaan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur, ayaa waalidiinta Gobolka ka codsaday, in ay Laamaha Amniga la soo xiriiraan, haddii ay carruurtooda uga shakiyaan Al-shabaabnimo.
Guddoomiyaha oo Caawa warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo, ayaa sheegay in dowladdu ay baaritaan ku samayn doonto carruurtaas, kadibna ay natiijada baaritaankaas waalidkood la wadaagi doonto.
“Ilmihiinna haddaad ka shakidaan noo keena oo dhaha: ilmahayaga waan ka shakinay ee noo fiiriya bal suu yahay annagu daqiiqad baan ku soo saaraynna” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com