Kjell Ingolf Ropstad oo iska casilay Hogaanka Xisbiga KRF.

Oslo:-Gudoomiyaha Xisbiga KRF ahna Wasiirka Carruurta iyo Qoyska Kjell Ingolf Ropstad ayaa goordhaw ku dhawaaqay in uu is casilay.

Wasiirka oo shir jaraa,id qabtay ayaa sheegay in go,aankaas qaatay isla markaana la wadaagay Ra,isul wasaare Erna Solberg.

“Waxaan la xiriiray ra’iisul wasaare Erna Solberg habeenkii jimcaha. Markaas ayaan codsaday inaan iska casilo xilka Wasiirnimo. go,aankaasna ma ahayn mid iyada xageeda ka yimid”ayuu yiri Ropstad.

Kjell Ingolf Ropstad ayaa mudooyinkii ugu dambeysay ahaa mid saxaafada si aad ah u hadal hayaan kadib markii wargeyska Aftenposten taasi oo la xiriirtay in mudo 10 sano ah daganaa guri bilaash ah oo Baarlamaanka Norwey ugu deeqay isla markaana uu sifo qaldan u maray.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

 Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com