Kiisaska Corona virus ee deganada Puntland oo sii kordhay

Wasaaradda Caafimaadka dowladda ayaa faahfaahin ka bixisay Kiisaska Cudurka Corona virus ee degaanada Soomaalida maalmihii ugu dambeeyay.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in kiisaska Cudurka ay sare u kaceen maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay walaac ka muujiyaan kororka Cudurka ee degaanada maamulka Puntland.

Shaxda wasaaradda Caafimaadka ayaa muujinaysa in hadda Puntland iyo Somaliland ay yihiin meelaha ugu badan ee laga helay cudurka Karoonaha Saacaddihii lasoo dhaafay.

Tirada 48 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 2,327

o Laga Helay: 15

o Puntland: 10

o Somaliland: 5

o Lab: 8

o Dhedig: 7

o Bogsashada: 30

Tirada Guud ee Laga Helay: 14,647

Bogsashada Guud: 6,715

Dhimashada Guud: 768

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com