Kiisas Cusub oo Cudurka Carona virus ah oo laga diiwaan geliyay Hirshabeele

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xaruunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in 24kii saac ee la soo dhaafay uu cudurka Safmarka Caronavirus uu Dad badan ku soo ritay Halka

Madaxda Maamulka Hirshabeele ee Magaalada Baladweyne ayaa shaaciyay in baaritaano ay ku sameeyeen dhawr qof cudrurka laga Dad garaya 28 qof oo ka mid ah  laba qof oo ajnabi ah oo u dhashay Dalka Koofurka kuna sugan Magaalada Baladweyne in laga helay Cudurkaasi

Sidoo kale Magaalada Jowhar ayaa Kiisas Cusub ee Cudurka Caronavirus ah laga soo sheegaya inkastoo qof da’diisa lagu 50 jir uu cudurka ugu dhintay Magaalad Jowhar kaas oo safar uga yimid Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Dadka laga helay Cudurkaan dhammaantood safar ay ku tageen Magaalada jowhar kuwaas oo ka amba baxay Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com