Khilaafkii ka taagnaa Gobolka Hiiraan oo la soo afjaray & xil wareejin dhacday

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale ayaa xilkii ku wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee gobolkaas Cali Jeyte Cismaan, kaddib dedaal ay maalmahaan wadeen odayaasha dhaqanka oo lagu guuleystay in lagu soo afjaro khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii Cali Carraale.

Xil wareejinta ayaa waxa ay ka dhacday Xarunta Maamulka Gobolka, waxaana goobjoog ahaa Odayaasha Dhaqanka uu ugu horeeyo Ugaas Xasan & Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Beledweyne.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Caraale ayaa sheegay inuu xilka si rasmi ah u wareejiyay, islamarkaana Maamulka cusub uu la shaqeyn doono.

Cali Jayte Cismaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay tallaabada Guddoomiyihii hore uu xilka ugu wareejiyay, waxaana uu sheegay Bulshada Gobolka inay la shaqeeyaan Maamulka cusub.

Maalmo khilaaf uu ka taagnaa xil ka qaadistii Madaxweyne Waare uu ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Caraale, ugu dambeyn maanta ayeey soo afjarmatay arrintaasi.

Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa dhankooda si wanaagsan u soo dhaweeyay tallaabada xilka uu ku wareejiyay Guddoomiyihii hore.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com