Khilaaf Xooggan oo soo kala dhex galay Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir

 Khilaaf Xooggan oo soo kala dhexgalay Madaxda Ugu sareysa Mamulka Gobolka Banaadir

Khilaafka ayaa u dhexeya Gudoomiyaha Gobolka Banadir ‘Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ‘ iyo  Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo isku dhinac ah iyo   Gudoomiye ku xigeenada  Maamulka iyo Maaliyada’ arimaha bulshada iyo Hawlaha Guud.

Illo wareedyo ayaa warbaahinta aragticusub u xaqiijiyay in khilaafka soo kala dhex galay madaxda maamulka gobolka banaadir uu ka dhasay shaqo joojintii lagu sameeyay waaxda bixinta dhulalka oo wareegto ka soo baxday xafiiska Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Mqdisho Cumar Maxamuud MaxamedCumar Finish shaqada looga joojiyay taasi oo loo gudbiyay xafiiska Madaxweynaha .

Hase ,ahaatee khilaafka madaxda maamulka gobolka Banadir ayaa ku baahay baraha bulshada taasi oo ka dhalatay markii xubno ka Tirsan Gudoomiye ku xigeenada maamulka gobolka Banaadir   ay baraha bulshada isku  isweydaarsadeen Ereyo kulul , waxaana khilaafka soo gala dhex galay Madaxda sare Maamulka Gobolka Banaadir uu saameyn xooggan uu  ku yeeshay bixinta mushaarkii ay qaadanaayeen shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com