khasaare ka dhashay qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 8 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarax saaka ka dhacaywadada u dhaxaysa Tarabuunka iyoisgoyska lambar  4, sida laga xigtay saraakiil ka tirsan kuwa gadiidka gurmadka.

Qaraxa ayaa waxyeelo gaarsiiyay Baabuur iyo iskuulka Mucaasir oo ku yaalla halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana sawiraddu ay muujinayaan gawaarida iskuulka oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxa.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna sheegeen inay beegsadeen kolonyo ay la socdeen saraakiil caddaan tababarayaal ah oo ka soo baxay xerada Janaraal Gordon.

Dhinaca kale Taliska Ciidanka Booliska soomaaliya ayaa Faah Faahiyay qarax Xooggan oo saakay ka dhacay wada u dhexeysa Tarabuunka iyo isgoyska lambar Afar

Afhayeenka  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qaraxa lala damacsanaa gaadiid ka mid ah kuwa ilaaliya UN-ka oo goobta marayey, isla markaana ay ku dhinteen  8-ruux halka 17 kale  ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com