khasaare ka dhashay Madaafiicda lagu Tuuray Xerada Xalane

Faah Faahino ka soo baxaya Weerar Hoobiyayaal ah oo maanta lagu qaaday Xerada Xalane eek u taala garoonka diyaradaha ee Muqdisho.

Inta la og yahay 2 Ruux oo Rayid ah ayaa ku dhimatay 8 kalena waa ay ku dhaawacmeen Weerarka Hoobiyaasha ah ee lagu qaaday Xerada Xalane.

Hoobiyaasha ayaa ka dhacay Xaafado ka Tirsan Degmada Wadajir ka agdhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde   ee magaalada Muqdisho .

Goobtaxaafadaha ay hoobiyaasha ku dheceen ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya Kuwaas oo baaritano halkaasi ka sameeyay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com