Foos Axmed Barrow ayaa lagu dilay duleedka magaalada Beladweyne. Dilka Marxuum Foos ilaa hada lama Oga dadka ka dambeeyoa dilka marxuumada
goob jooge yaal ayaa warbaahinta aragticusub u xaqiijiyay in ay ku geeriyootay gabadhaasi isku dhac ka dhacay degaanka Ceel-gaal oo u dhaxeeya ciidanka HirShabeelle iyo Janaraal Xuud.
72 saac ee la soo dhaafay qaar kamid ah Haweenka magaalada Beladweyne, ayaa loo geestay dil, dhaawac, jirdil iyo xarig, waxaana inta badan falalkaan lagu eedeeyay maamulka HirShabeelle. Wali waxaa xabsi ku yaalo Beladweyne ku xiran 3 Haween ah oo mid kamid ah xaamilo tahay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com