Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya khasaare uu ka dhashay weerar lagu qaaday gaadiid ay wateen ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka oo ku sugnaa duleedka degmada Balcad gaar,ahaan degaanada inta u dhexeysa Qalimow iyo Gololey.
Weerarkaasi ayaa lagu dilay ilaa iyo 10 Askari oo ka Tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana weerar uu ahaa mid wadada loo galay Ciidankaasi xiili baabuur ay saarnaayeen
Sidoo kale waxaa la sheegay in weerarkan lagu gubay baabuur nooca dagaalka ah oo u soo gurmaday ciidamadan.
Weerarkan oo ka dhacay meel ku dhow deegaankainta u dhexeysa Qalimo iyo Gololey oo duleedka ka ah degmada Balcad ee gobolka shabeelaha dhexe .
Alshabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada weerarkaasi lagu dilay ciidankaasi ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Warar Muqdisho.
Info@aragticusub.com