Khasaare dhimasho ah oo ka dhashay shil Tareen oo ka dhacay Dalka Masar

Wakaaladda tareenka ee dalka Masar ayaa sheegtay ugu yaraan 32 qof iney ku dhinteen in ka badan 100 qofna ay ku dhaawacmeen shil tareen oo ka dhacay bartamaha dalka Masar.

Laba tareen oo rakaab siday oo marayey gobolka Sohag ayaa isku dhacay kaddibna rogmaday.

Wakaaladdu waxay sheegtay bareegga tareenka xagga hore kaga xirnaa ‘shaqsi aan la garaneyn’ inuu furay taasoo keentay tareenka hore inuu kii ka dambeeyey uu ku dhaco.

Madaxweynaha Masar Cabdulfataax al-Sisi wuxuu ballan qaaday ciddi mas’ulka ka ahayd arrintaasi in ciqaab adag la marsiin doono.

“Cidwalba oo sababteeda lahayd shilkan xanuunka badan ee ka dhalaty dayac, musuqmaasuq ama wax kasta oo la mid ah waa in sida ugu dhasiyaha badan la marsiiyaa ciqaab falkooda u dhigma” ayuu yiri al-Sisi farriin uu Twiterkiisa uu so dhigay.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu shilka ka dhacay ayaa muujinaya tareen ku rogmaday meel biyo mareen ah.

Wasaaradda caafimaadka dalka Masar oo shilka tareen ee dhacay warmurtiyeed ka soo saartay waxay sheegtay dadka dhintay ka sokoow shilkaasi iney ku dhaawacmeen ugu yaraan 108 qof.

“Waxaan u baahannahay mas’uuliyiinta dowladda iney yimaaddaan oo ay arkaan waxa dhacay. Dadka tareenka uu ku jiifana lagamasoo saari karo ilaa wiish la helo” ayuu yiri mid ka mid ah dadki shilkaasi goob joogga u ahaa oo wakaaladda wararka ee Reuters u warramay.

“Dadku wey dhinteen, xata awaxaan badbaadin weynay qof ay nafta ku jirtay oo tareenka uu ku jiifo” ayuu yiri.

Warbaahinta dowladdana waxay sheegtay ra’isal wasaare Mostafa Madbouly oo ay wehliyaan wasiirro kale inuu u safray goobta u shilka ka dhacay.

Dalka Masar waxaa marar badan ka dhaca shilal tareen taasoo la sheego iney uga wacan tahay dayactir la’aanta waddooyinka tareenka iyo dowladda oo aan maalgelinin shirkadda tareenka.

Shilkii tareen ee ugu xumaa oo ka dhaca dalka Masar wuxuu 2002-dii ka dhacay konfurta magaalada Qaahira shilkaasi oo ay ku dhinteen 373 qof.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com