Khasaare dhimasho ah oo ka dhashay Bam gacmeed xalay lagu Tuuray Xaruun Ganacsi ee ku Taala Magaalada Kismaayo

Faah Faahino ayaa  ka soo baxaya  weerar loo Adeegsaday  bam gacmeed  oo xalay lagu qaaday xaruun ganacsi oo ku taal xaafada Guulwade ee magaalada Kismaayo.

Weear ayaa waxaa ka dhashay Khasaare Dhaawac iyo dhimasho ah waxaana ku dhintay labo ruux halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Dhowr mar ayaa weerar loo adeegsaday Bam gacmeed uu ka dhacay Magaalada Kismaayo iyadoo Weerarkii ugu dambeeyay uu dhacay xalay

Ciidamada Amniga Jubland aya Isla Xalay Hawlgalo ka sameeyay Halka ay wax ka dheceen mana jirto Cid loo soo qabtay Weerarkaasi

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com