Khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay Muqdisho oo kordhay & duqa Muqdisho oo ka hadlay{AKHRISO}

Waxaa la sheegay in uu kordhay khasaaro dhimasho iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee xalay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu la beegsaday Maqaaxi lagu Shaaho oo ku taal Xaafada Saddexda Geed ee degmada Shangaani.
Qaraxa ayaa booliska Soomaaliya waxaa ay sheegeen inay ku geeriyoodeen 6 Ruux oo uu kujiro qofkii is qarxiyay, hayeeshee waxaa qaraxaas ku dhntay 5 dhalinyaro ah oo qaarkood dhawaan ay ka qalin jebiyeen Jaamacado ku yaal Muqdisho, Cunug yar oo aan weli qaan gaarin iyo qofkii is qarxiyay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qarixii ka dhacay degmada Shangaani.
“Anigoo ku hadlaayo Magaceeyga, kan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar waxaan tacsi tiiraanya leh u dirayaa Qoysaskii iyo Ehelkii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday falkii Bahalnimada ahaa oo ay argagixisada ka geesteen goob ay bulshada isugu yimaadaan oo kutaala degmada Shangaani, waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah Alla uga baryaaya in uu siiyo dadkii ku dhaawacmay Musiibadaasi”.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu yiri.
“Waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay ku fashilmeen in ay kusoo gambadaan Diinta Islaamka oo ah mid Suuban oo Naxariis badan, Argagixisada waxa ay si bareer ah uga soo horjeedaan nolasha iyo horumarka Umada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolka Banaadir in si Wadajir meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Cadowga”.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com