Dowladda Sacuudiga waxay diyaar u tahay inay qaabilsan Ku-dhawaad Hal Milyan oo Xujeey ah oo ka kala imaan doono dalalka Caalamka bisha Dul Xaj ee soo socota, si ay u guaran Waajibaadka Xajka ee sanadkan 1444 Hijriyah/2023 Milaadiyah.
.
Shabakadda Wararka Masrawi “مصراوي” ayaa u kuur-gashay Qiimaha Xajka ee Masar iyo Dalalka Carbeed.
Kharajka uu qofkiiba ku soo xajinayo sanadkan ee dalalka Carbeed waxa uu ka bilaabanayaa Qiimahan:
1- Masar 130,000 oo Lacagta Geniga Masar,
2- Sacuudiga 3,984 Riyaal
3- Kuwait 1,650 Dinaarka Kuwait
4- Morocco 62,929 Dirham
5- Oman 4,126 Riyaalka Omani
6- Urdun 2,240 Dinaarka Urduni
7- Qatar 18,000 Riyaalka Qatar
8- Imaaraadka 13,000 Dirham
9- Xujeyda Syria ee Imaaraadka ka imaanayo waxa qofkiiba ku baxay Kharaj dhan 8 milyan oo Lacagta Liiraha ee dalkaasi
10- Iraq 3 milyan iyo 900 oo kun oo Dinaarka dalkaasi
11- Lubnaan 2,300 oo Dollarka Maraykanka,
12- Yemen 855 Riyalka Yemeni
13- Algeria 865 Dinaarka Algeria,
14- Falastiin 3,200 Dinaarka Urduni,
15- Liibiya 10,000 oo Dinaarka Liibiya
16- Baxrayn 440 Dinaarka Baxrayni
17- Tunisia 13,896 Dinaar Tunisia
18- Somalia 3,984 Riyaalka Sacuudiga oo u dhiganta Sarif ahaan 30,000 oo Geniga Masar
19- Mauritania 2 milyan iyo 200 oo kun ee Lacagta dalkaasi ee Awqiyah
Dhanka kale, Dowladda Sacuudiga waxay apo dejisay dhowr shuruud oo khuseeya dadka soo xajinayo, waxaana ka mid ah:
▪︎In la dhamaystiro Tallaalada Fayriska Koroona (COVID-19),
▪︎ Xanuunka Meningitis (Qoor-gooyaha)
▪︎ Hargab Xilliyeedka,
▪︎ Haweenka inuu qof Maxram u ah la socdo
▪︎Inuusan qofka soo codsanaya Xajka la xanuunsanayn Cuddurada daran ee muddo dheer hayey.