Kenya oo Xafiisyo cusub oo Diblomaasiyadeed ka furan doonto Somaliland

Kenya oo Xafiisyo cusub oo Diblomaasiyadeed ka furan doonto Somaliland iyo dalal kale
Kenya ayaa lagu wadaa inay dhawaan furtaan 7 Xafiisyo Cusub ee Ergada Diplomaasiyadeed , taasi oo qeyb ka ah Dib-u-habayntii u dambaysay ee Dowladda Madaxweyne William Ruto.
Qoraal Fulin Amar (Executive Order) oo tirsigeedu yahay No.1 ee sanadka 2023-ka ayuu soo saaray Madaxweyne Ruto, taasi oo lagu yegleelayo 7 Ergooyin cusub oo Diplomaasi oo laga furi doono Caasimaddaha dalalka Djibouti, Switzerland, Indonesia iyo magaallooyinka Caruusha ee Tanzania, Goma ee dalka Koongada Dimuqraadiga iyo Hargeysa (Somaliland).
Sida laga soo xigtay Xogta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya waxaa lagu xusay in Xafiisyada Ergooyinka cusub ee Djibouti, Indonesia iyo Somaliland loo adkeeyey inay noqon doonaan dalalka Khaaska ah.
Xafiisyada Cusub ee Hawlgallada Ergooyinka Diplomasiyadeed ee Kenya ku leeyihiin dalalka Dibedda waxay Tirada Guud ka dhigaysaa 60 Xafiis, halka ay markii hore ka ahaayeen 60 Xafiis.
Xafiisyada Ergada Diplomaasiyadeed waxay kordhin doonaan Wakiilada Kenya u jooga dalalka Shisheeyaha, xilli ay Dowladda Madaxweyne William Ruto doonayso in la labanlaabo Xiriirada Horumarinta Ganacsiga, Dhaqaalaha iyo Dhaqanka ee lala leeyahay dalalka kale.