Kenya oo Waxba kama jiraan ku Tilmaamtay in Ciidankeeda ay kala baxayso Soomaaliya

Wasiirka gaashaandhiga ee Dalka Kenya, Monica Juma, oo wareysi siisay Wargeyska laga leeyahay dalkaas ee The Nation, ayaa ka warbixisay Arrimaha ku xiran in Milateriga Kenya laga saaro Soomaaliya.

Juma ayaa beenisay wararka la xiriira in Ciidamada Kenya laga saarayo Soomaaliya, waxaana ay faahfaahisay shuruudaha ku xiran in Ciidankaas ay ka baxaan gudaha Soomaaliya.

Kenya waxay qeyb ka tahay dalalk ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin waa la ogyahay in howlaha aan Soomaaliya ka wadno ay goor horeba sii socdeen laga soo billaabo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-1992-kii” ayay tiri Juma

Sabab ayaan Soomaaliya u tagnay, dabcanna way jiraan shuruudo ku xiran in annagoo Amisom la mideysan aan ka soo baxno halkaas. Shuruudahaas waxay kala yihiin; In nabad laga hirgaliyo Soomaaliya, in laga adkaado Al-Shabaab iyo in laamaha gudaha ay awood u yeeshaan sugidda amniga.”

Hase ahaatee maalmahaan , waxa soo baxayay warar sheegaya in Kenya Ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya, kadib khilaaf soo kala dhex galay labada dal balse wasiirka Difaaca dalkaas ayaa si cad u beenisay.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com