Ciiddamada Militariga Kenya ayaa waxay soo saareen War-saxaafadeed ku aadan Diyaaradii Xamuulka ee shalay ku burburtay Garoonka diyaaradaha Degmadda Dhoobleey ee Gobalka Jubada Hoose
War-saxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay in dhammaan 10-kii Askari ee la socday Diyaaradaasi ay xaaladooda Wanaagsan tahay, lana dhigay Isbitaalka Milliteriga Kenya ee Nairobi.
Diyaaradda ku burburtay Garoonka diyaaradaha Dhoobley ayaa nooceedu ahaa Harbin ee Labada Matoor leh, laguna farsameeyey dalka Shiinaha waxay Shixnadaha Sahayda u soo daabushaa Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ku sugan Soomaaliya
Dawlada Kenya ayaa shaacisay in baritaano lagu sameyn doono waxa sababay in diyaaradu ay bur burto
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com