Kenya oo Wadamada Bariga Afriga Uga Hormartay Dhoofinta Dhuxusha

Ururka caalamiga ah ee ka hor tagga fal dambiyeedyada isaga kala goosha waddamada (GI-ATOC) ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegayo in Kenya ay noqotay waddanka dhuxusha ugu badan laga dhoofiyo ee gobolka geeska Afrika.

Arrintan waxay soo baxday iyadoo ay jireen dadaallo lagu yareynayo jarista dhirta si loo ilaaliyo fayo qabka deegaanka. Arrintan ayaa timid xilli Kenya ay sanadkii 2018-kii mamnuucday wax soo saarka dhuxusha.

Tani waxay ka dhigan tahay in Kenya ay hadda ka hor martay Soomaaliya oo ahaan jirtay isha ugu weyn ee dhuxusha la dhoofiyo, sannado bandanna walaac laga muujinayay.

Sida lagu xusay warbixinta GI-ATOC, Kenya waxay hadda saldhigga ugu weyn u tahay ganacsiga dhoofinta dhuxusha ee Bariga Afrika oo la isugu keeno dhuxusa ka imaata dalalka dariska la ah ee Uganda iyo Suudaanta Koonfureed.

Dhuxushan ayaa loo qaadaa dalalka Bariga Dhexe oo aad looga isticmaalo balwadda Shiishada ee lagu shido dhuxusha.

Warbixinta dheer ee la soo saaray isbuucan ayaa lagu sharraxay in maadaama Al-Shabaab ay lumisay maamulka deegaanno ka mid ah Soomaaliya ay sidaas hoos ugu dhacday tirada dhuxusha laga dhoofin jiray ee la geynayay Bariga Dhexe.

Hoos u dhacaas ayaa horseeday in Kenya ay hoggaanka u qabato ganacsigan ay Qaramada Midoobay horay u cambaareysay.

Go’aanka ay dowladda Kenya ku mamnuucday wax soo saarka dhuxusha waddankeeda waxay ku saleysay in la badbaadiyo dhirta keymaha. Laakiinmamnuucistaas ma aysan joojineynin dhuxusha Kenya loo soo dhoofiyo ee dalalka kale ka imaata.

“Inkastoo qaraarkaas la soo saaray haddana wali wuu sii socday wax soo saarka dhuxusha ee gudaha Kenya,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Sanadkii 2020-kii ayuu sare u kaca ugu badan ku yimid dadka ku biiraya wax soo saarka dhuxusha ee gudaha Kenya, sida lagu qeexay warbixinta.

“Bishii September, 2020, waxaa la qiyaasay in dad ka badan 4,000 oo ruux ay si joogto ah uga shaqeynayeen ganacsiga dhuxusha ee magaalada Busiga oo ku taalla xadka Kenya iyo Uganda. 75 ka mid ah dadkaas waxay kasoo tageen shaqooyin kale oo uu dhaqaale kasoo gali jiray si ay ugu biiraan ganacsiga dhuxusha oo dadka deegaanku ay u yaqaannaan ‘dahabka madow’,” ayaa lagu yidhi.

Sanadkii 2018-kii, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kharashka kasoo xarooda ganacsiga dhuxusha uu yahay isha ugu weyn ee ay dhaqaalaha ka helaan Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo Kenya ay ilaa hadda kasoo saartay dhaleeceynta uga timid ururka ka hor tagga dambiyada dalalka isaga gudba ee ah in iyadoo la mamnuucay wax soo saarka dhuxusha uu wali kasii socdo waddanka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com