Dowladda Kenya ayaa soo warisay koror ku yimid gabdhaha da’da yare e uurka qaaday inta lagu jiray Bandowga Coronovirus, ku dhawaad 4,000 oo gabdhood ayaa uur qaaday sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.
Xog ay faafisay wasaaradda ayaa laga arki karaa in 3,964 gabdhood la Uureeyay kuwaa oo da’dooda tahay 19 jir ama ka ka yar.
“Sidee gabar 12 jir ah ku noqon kartaa Hooyo, maxaa Uurka loogu yeelay” ayey isweydiisay Salome Muthama oo Kenya u qaabilsan daryeelka caruurta.
Gabdhahan ay u badan kuwii Dugsiyada/Iskuulada sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.