Kenya oo ka hadashay go,aanka Dawlada Federaalka Soomaaliya ay ku joojisay Qaadka Miirowga

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa ka hadlay joojinta lagu sameeyey Qaadka Kenya ay gayn jirtay Soomaaliya iyo waxa ay damacsan tahay dowladda federaalka.

Beeraleyda iyo ganacstada jaadka dalka Kenya ayaa ku qasban iney sugaan ilaa doorashada soo socota si ay u ogaadaan hadii laga qaadayo xanibaadda dhoofinta qaadka ay geyn jireen Soomaaliya.

Waxey sidoo kale ku Qasban yahiin iney sugaan in dib loo bilaabo wada-hadallada diblomaasiyadeed ee labada wadan oo hakad galay, sida uu sheegay Ruto.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa aaminsan in doorashada laga yaabo iney Soomaaliya ka dhacdo horaanta sanadka soo aadan kadib ay dib u bilaabi karaan wadahadallada.

William Ruto wuxuu aaminsan yahay in hogaamiyayaasha Soomaalida ay hadda mashquul ku yahiin arrinta doorashada oo kusoo fool leh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya ay gorgortan ay ka gasho muranka ka jira badda darteed ay u mamnuucday qaadka miirowga.

“isfahm la’aan arinta badda ah ayaa ka dhex jirta Soomaaliya iyo Kenya,” ayuu Wiliam Ruto u sheegay Weru TV.

“Waxaan ku jirnaa wadahadallo aan ku kala saareyno labada arrimood, balse doorashada ayaa gaabis keentay, waxaan rajeynayaa in doorashada kadib aan soo dhameyn doonno wadahadalka ku saabsan dib usoo celnita ganacsiga,” ayuu yiri Ruto.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com