Kenya oo ka baxday Dhageysiga Kiiska Dacwada Badda ee kala dhexeya Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, da ay  xaqiijiyeen ilo ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Kenya.

Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya Kihara Kariuki ayaa go’aanka dowladda maxkamada ICJ u gudbiyay isbuucii la soo dhaafay xilli maalmo uun ay ka dhinayd bilaabashada dhageysiga kiiska.

“Kenya waxay rajeynaysaa inay maxkamadda ku wargaliso in aysan ka qeyb galayn dhageysiga kiiska ee bilaabanaya 15 March,” waxaa sidaasi lagu sheegay warqad uu xeer ilaaliyaha guud Kenya u diray maxkamadda.

Arintaan lama filaanka ah ayaa imanaysa iyada oo maalinta berrito ah loo ballansan yahay in maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada ay billowdo dhageysiga dacwadda muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale go’aanka ku soo beegmayaa xilli uu aad u xumaaday xiriirka dublamasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

Qoraalka ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamada ICJ ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ka qeybgalka dhageysiga kiiska ee garsoore, Cabdulqawi Axmed Yusuf, oo dhalashadiisu Somaali tahay ay tahay mid shaki galinaysa kalsoonida lagu qabi karo in maxkamada ay dhexdhexaad noqonayso.

Mr Kariuki, ayaa ku dooday in kiiska dhanka Kenya uu inta badan gundhigiisu yahay waxyaabo ay qareenada sharxayaan iyaga oo tusaale adeegsanaya islamarkana aan taasi lagu sameyn karin qaab maqal iyo muuqaal ah.

Kenya ayaa ka cabanaysa in dhageysiga loo qabto qaab maqal iyo muuqaal ah taasi oo Mr Kariuki uu sheegay “in aysan ku haboonayn in kiis sidan u culus una muhimsan lagu qaado qaab maqal iyo muuqaal ah”.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Kenya ayaa sidoo kale qoraalka uu maxkamadda u gudbiyay ku sheegay in Kenya ay qareeno cusub qoratay islamarkana kulamo aysan yeelan maadama uu jiro feyriska Corona sidaasi daraadeed-na Kenya aysan si wanaagsan ugu diyaar garoobin kiiska.

Dowladda Kenya ayaa shaqada ka ceyrisay qareenadii uga qeybgalay dhageysigii 2019 waxa ayna ku dhaliisha tayada qaabkii ay dacwadooda u soo bandhigeen.

Maxkamadda ayaa inta badan go’aanada ay gaarto fulintooda waxay ku tashataa oo ay isku haleysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si loo xaqiijiyo in la xushmeeyo oo loona hogaansamo go’aanadeeda.

Kenya ayaa imika xubin aan joogta ahayn ka ah golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com