28.9 C
Mogadishu
Monday, August 19, 2024
Home Wararka Kalkaalisadii u horeysay oo Muqdisho ugu geeriyootay cudurka Coronavirus

Kalkaalisadii u horeysay oo Muqdisho ugu geeriyootay cudurka Coronavirus

Zamzam Cali ayaa noqotay gabadhii u horeysay oo Kalkaaliso caafimaad oo u geeriyootay Cudurka Coronavirus, iyadoo shaqaalaha Caafimaadka Muqdisho ay u muroogoonayaan geerideeda oo ku soo aaday xilli laga deyrinayo xaalada ay ku sugan yihiin shaqaalaha caafimaadka.

Zamzam ayaa ka shaqeyneysay Isbitaalka Kalkaal, waxay aheyd kalkaaliso Umuliso, waxaa ku dhacay todobaadyo ka hor Cudurka Coronavirus oo ay markii dambe u dhimatay.

Inta badan Isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo wajahay xaalad cabsi ah oo ku aadan cudurka, maadaama bukaanada u imaanaya aan lakala ogeyn inay qabaan COVID-19 iyo in kale, waxaana dadka ay ka shakiyaan u gudbiyaan Isbitaalka Martiini.

Isbitaalo dhowr ah ayaa joojiyay qaabilaada bukaanada, inta aan ka aheyn kuwa xaaladaha degdega, waxaana qarka ay u saaran yihiin in la xiro.

Isbitaalka ugu weyn ee magaalada Muqdisho Receb Tayyib Erdogan (EX Digfeer) ayaa gebi ahaanba la xiray, iyadoo la joojiyay qaabilaada bukaanada aan xaaladaha degdega aheyn.

Sidoo kale Isbitaalo kale ayaa shaqadooda gabaabsi noqotay, waxaana dhaqaatiir iyo kalkaalsiyaasha qaar soo ritay cudurkan.

Dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka Muqdisho ayuu saameynta ugu weyn uu ku yeeshay cudurka COVID-19, waxaana loo sababeynayaa in aysan u diyaarsaneyn cudurkan ama heysan qalabka looga hortago.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com