Maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag ugu cambaaraysay abaabul dagaal, oo sida ay sheegtay Madaxweyne Farmaajo ka wado Gobolka Gedo, halkaas oo ay ka jirto xaalad banii’aadanimo oo ka dhalatay Abaarta.
Maamulka Jubaland sheegay in Dowladda Federaalku ay shalay hub iyo gaadiid dagaal ay geysay gobolka Gedo, xilli Shacabka ku nool Gobolkaas ay saameysay Abaar iyo biyo la’aan.
Maamulka Jubaland ayaa tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo mas’uul ka noqon doono wixii ka dhasha abaabulka ciidan ee uu ka wado Gobolka Gedo.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com