Jubland oo diiday ka qayb galka shirka Dhuusameerb 3

Maamulka   Jubaland ayaa Beesha Caalamka ugu baaqday in ay Madaxda Soomaalida ka Taageeraan Qabsoomidda Shirka Dhuusamareeb3 si looga mira dhaliyo Natiijada ka soo baxda Shirkaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxday Qodobadii lagu heshiiyay Shirkii Dhuusamareeb2 islamarkaana ay doonayso fashilinta Shirka Dhuusamareeb3.

jubaland waxay sheegtay in sidoo kale meesha laga saaray Xukuumaddii sharciga ahayd ee fulin lahayd Heshiiskii Dhuusamareeb weliba aan la magacaabin Xukuumad cusub oo fulisa wixii lagu heshiiyay sidaasi darteedna ay soo laabatay kalsooni-darradii laga qabay Dowladda.

Mowqifka Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa u muuqda mid taageersan  go,aankii  Puntland ka istaagtay Shirka Dhuusamareeb kadib markii ay shuruud ka dhigtay in Ra’iisul wasaare cusub la magacaabo iyo Beesha Caalamku dammaanad ka noqoto.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com