24.7 C
Mogadishu
Friday, August 16, 2024
Home Wararka Afrika Jubbaland oo taageero u muujisay RW Rooble

Jubbaland oo taageero u muujisay RW Rooble

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in uu diyaar u yahay  dardar galinta howlaha doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu yiri”  Waxaa meel wanaagsan maraya dadaalada ay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan doorashooyinka xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah oo si wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

Jubaland waxay diyaar u tahay, kana qeybgalaysaa shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Waa Maamulkii labaad ee ku dhawaaqa in uu ka qeyb galayo Shirka uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Roole, halka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu sicad u diiday in uu ka qeyb galo Shirka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com