Taliska ciidanka Booliiska Jubbaland iyo maamulka degmada Kismaayo ayaa Bilaabay dhaqan galinta awaamiirta lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Covid19.
Taliyaha ciidamada Booliiska Jubbaland Korneel Maxamed Naasir Guuleed ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in la fuliyo Go’aankii la xiriiray ka hortagga Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19.
Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dadweynaha ay xirtaan Afxirka, sidoo kalena Gawaarida aan la ogoeyn inay raacaan dad ka badan Afar Ruux.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Taliyaha ciidamada Booliiska Jubbaland in Ciidamada Booliska ay tallaabo ka qaadi doonaan cid allaala ciddii flin weysay amarka, si, looga hortaggo fafitanka COVID-19.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com