Jubbaland oo ka hadashay Arrinta Gobolka Gedo ee wada-hadallada DFS

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Maanta oo kahmiis ah shir gudoominay kulanka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada Jubbaland

 

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha siyaasadda, Waxbarashada,Amniga Arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

 

Madaxwyene kuxigeenkaJubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa Golaha Wasiirada Jubbaland Warbixin ka siiyay wada-hadallada Madaxweynaha Jubbaland uu u joogo Muqdisho iyo arrinta gobolka Gedo oo ay ka wada hadleen Madaxweyne farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Sidoo kale Shirka kulanka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxaa Warbixino looga dhageystay Hanti dhowraha Jubbaland iyo Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Jubbaland.

XAFIISKA WARARKA JOWHAR