Jonas Gahr Støre oo bilaabay wada hadalo uu ku dhisayo Xukuumad cusub.

Oslo.-Ra,isul wasaaraha cusub ee dalka Norwey ahne Gudoomiyaha xisbiga shaqaalaha Jonas Gahr Støre ayaa bilaabay wada hadalo ku aadan sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen xisbiyada xulufada yihiin.

Gudoomiyaha oo la hadlay warbaahinta kadib doorashadiisa ayaa xusay in wada hadalada noqon doonaan kuwo uu marka hore la yeelan doono Gudoomiyayaasha xisbiyada SP iyo Sv sidoo kale u gudbi doono xisbiyada kale ee Rød iyo MDG.

Xisbiyada AP SP iyo Sv ayaa ah kuwo isku dar heysta 89 ka mid ah kuraasta baarlamaanka dalka Norwey taasi oo hadii heshiis gaaraan keeni karta in dowlad wadaag dhistaan.

Arinta ugu weyn ayaa ah in xisbiyada SP iyo SV yihiin kuwo aad u kala fog taasi oo keentay in marar badan gudoomiyaha SP cadeeyo sida uu uga soo horjeedo in dowlad wadaag noqdaan xisbiga SV.

Ra,isul wasaaraha cusub ee Norwey ayaa bilaabay wada hadalo arintaas lagu xalinayo waxaana lagu wadaa in maanta oo arbaco ah wada hadal la yeesho gudoomiyaha xisbiga SP.

Kulanka kadib ayuu sidoo kale la hadli doonaa gudoomiyaha xisbiga Sv waxaana nastiijada kulamadaas ka soo baxo muujin doontaa sida ay u ekaan doonto xukuumada cusub ee dhawaan soo dhisi doono ra,isul wasaaraha.

Arinta ugu weyn ee labada xisbi isku maandhaafsan yihiin ayaa ah sida canshuurta,cimilada,warshadaha shidaalka taasi oo ah tan uu doonayo in ra,isul wasaaraha cusub isku soo dhawaashiyo ka sameeyo.

Ra,isul wasaaraha ayaa la filayaa in wada hadalka kadib soo dhiso xukuumad cusub taasi oo la filayo in 1.bisha soo socota hor geeyo baarlamaanka dalka Norwey.

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com