Jeneral Yuusuf Indha Cadde oo shaaciyay in Dilka Marxuum Jeneral Galaal ay ku tuhmayaan Ciidanka Dawlada

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa  ka hadlay Weerarkii khasarah dhaliyay ee Alshabaab ay ku qaadeen  Hotel Afrik eek u yaala Magaalad Muqdisho

Jeneraal Indha Cadde ayaa shaaca ka qaaday in Weerarkaasi oo Dadkii ku dhintay uu ju jiray Jeneraal Galaal uu aha mid  Tuhuno badan dhaliyay.

Waxaa uu yuusuf indha Cadde uu sheegay in Shabaab markii ay soo weerareen Hotel Afrik oo ay gudaha u galeen Halka uu ku jiray Jeneraal Galaal  uu iska difaacay Jeneraalka shabaabkii weeraray Hotel Afrik Balse intii u socday Weerarka suu Jeneral Galaal Halkas uu ku geeriyooday

Yuusuf Indha cadde ayaa sheegay in Jeneraal Galaal dhowr Bambaano oo F 1 ah iyo qore AK 47 ah uu isaga difaacay shabaabkii hotel weerary balse nasiib darro uu Jeneral goobtaasi lagu dilay Cida ay tuhmanyana ay tahay ciidankii dawlada ee hotelka galay ayuu yiri ‘ Jeneral Indhacadde  isaga  oo hadalkiis intaasi ku daray in qori uu lahaa Marxuum Jeneral Galaal ay ciidankasi hore u qaateen.

Alshabaab ayaa shaaciyay in Jeneraal Galal Mudo 13 sano ah ay ku raad joogeen balse ay u suurta gashay in ay ku dilaan weerarkii hotel Afrik.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com